Ololahan waxaa maalintii jimcihii ku dhawaaqay madaxweyne Axmed Siilaayo oo sheegay in 45-tii maalmoodba mar la qaban doono. Magaalada Hargesya iyo gobollada Somaliland ayaa saaka aroortii ay dadku si wadajir ah uga qeybgaleen ololaha nadaafadda.
Madaxweynaha Somaliland oo ololahan saaka isagu bilaabay ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay mas'uuliyiinta xukuumadda, ciidamada, shaqaalaha dowladda iyo qeybaha kala duwan ee dadweynaha.
Waddooyinka Hargeysa ayaa waxaa maanta laga dareemayay bilic gaar ah iyadoo dhamaan qashinkii yaalay qaar ka tirsan waddooyinka la guray.
Warbixinta ololaha nadaafadda Somaliland qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.