Hargeysa —
Qaar ka mid ah Macallimiinta aan rasmiga ahayn ee ka hawl gala dugsiyada hoos taga wasaaradda waxbarashada ee Somaliland ayaa waxay ka cabanayaan Imtixaan ay wasaaradda iyo hay’ada shaqalaha dawladdu sheegeen in laga qaadi doono macallimiinta aan rasmiga ahayn.
Khadar Cakule ayaa cabashadooda ka wareystay Macallin Maxamed Axmed Barre oo ah afhayeenka gudigga macalimiintan.
Dhinaca kale, Maalinta Macallinka ee caalamiga ah ee 5-ta October oo lagu maamuusay magaalada Borame ayaa lagu soo bandhigay macalimiinta dugiyada ardaydooda ay kaalmaha hore ka galeen imtixaanada gobolka Awdal.
Warbixintan waxaa soo diray Hashim Sheekh Cumar Good.
Madal