Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Khatarta dadka Soo-galootiga ah


Somaliland: Khatarta dadka Soo-galootiga ah
Somaliland: Khatarta dadka Soo-galootiga ah

Kulan ay isugu yimaadeen madaxda Somaliland ayaa lagu sheegay in dadka Ethiopia kasoo galayaa ay khatar amni, dhaqaale, iyo mid dhaqanba abuurayaan

Kulan ay ka soo qeybgaleen wasiiro iyo madaxda labada aqal ee Somaliland ayaa waxaa maanta looga hadlay qaxootiga faraha badan ee ku soo qul-qulaya Somaliland, kuwaasoo intooda badan ka soo talaabaya xadka ay Somaliland la leedahay dalka Ethiopia.

Kullankaasi ayaa waxaa lagu lafaguray sidii ay Somaliland siyaasad cad ama qorshe xilliga fog u samayn lahayd taasoo ay kula dhaqmayso dadka soo galootiga ah ee magangelyo doonka ah ama dhaqaale raadiska ah oo u badan dadka Oromada ah ee ka imanaya dalka Ethiopia.

Xukuumaddwu waxay sheegtay inay dadkani halis amni, dhaqaale, iyo dhaqanba ku hayaan Somaliland, waxayna sheegtay inaysan Somaliland awood buuxda u lahayd oo ay wax uga qabato dadkan, balse wixii imika ka danbeeyo ay ka soo saari doonto qorshoyaal.

Warbixinta kulankaasi oo dhameystiran hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG