Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland iyo USAID oo Shir u Bilowday


Somaliland iyo USAID oo Shir u Bilowday
Somaliland iyo USAID oo Shir u Bilowday

Magaalada Hargeysa waxaa ku sugan wafdi ka tirsan hay'adda gargaarka iyo horumarinta u qaabilsan Maraykanka ee USAID.

Mas'uuliyiinta Somaliland iyo wafdi ka tirsan hay'adda Maraykanka u qaabilsan gargaarka iyo horumarinta dibadda ee USAID, ayaa kulan uga bilowday magaalada Hargaysa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulak Somaliland, Dr. Axmed Cabdi Gaboose, ayaa VOA u sheegay in kulankaasi uu ku saabsan yahay sidii loo meel marin lahaa siyaasaddii Maraykanku qaadatay ee ku saabsaneyd inay ku wajihi doonto deegaamada nabaddu ka jirto ee maamullada sameystay.

Wasiirka ayaa sheegay in inka badan $7 milyan oo doollar loo qoondeeyay Somaliland, si loogu fuliyo mashaariicda dhanka horumarinta.

Wuxuu sheegay in USAID ay u wakiilatay hawshan hay'adaha IOM iyo BIA, isla markaana aanu jirin lacag rasmi ah oo gacanta loo gelinayo wasaaradaha Somaliland.

Wuxuu sheegay in wasaaraduhu ay la iman doonaan qorshayaasha, hay'aduhuna la fulinayaan.

XS
SM
MD
LG