Bilihii u dambeeyeyba Somaliland waxay laga dareemayay hoos u dhac ku yimi doollarka iyo maciishaddii oo qaali noqotay, inkasta oo toddobaadyadan rajo laga muujiyey ka dib markii uu xoogaa sare u kacay haddana iminka markale uu hoos u dhacay.
Sidoo kale waxaa suuqyada ganacsiga lagu arkay dollar been abuur ah kaas oo meelo kala duwan laga keenay.
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa VOAda u sheegay in ay wadaan qorshe ay lacagota Somaliland ku gaynayaan suuqyada si loo dheelitiro sarrifka doolarka oo hoos u dhacay.
Waraysiga guddoomiyaha oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.