Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Hogaankii Militeriga oo Xilka laga Qaaday


Somaliland: Hogaankii Militeriga oo Xilka laga Qaaday
Somaliland: Hogaankii Militeriga oo Xilka laga Qaaday

Wareegto kasoo baxday madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu xilka ka qaaday mas'uuliyiintii ciidanka militariga.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani iyo weliba Hoggaankii Hawlgelinta ee Ciidamada Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Keyse).

Xil ka qaadistan ayaa lagu sheegay warsaxaafadeed goordhowayd ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Somaliland.

Isla wareegtada xilka lagaga qaaday labadan masuul ayaa lagu magcaabay saraakiisha bedelaysa masuuliyiintaa hore taas oo Taliyaha Guud ee Ciimada loo magcaabay Maxamed Xasan CAbdullaahi Jidhif oo hore xilal uga soo qabtay ciidamada iyo weliba xukuumadihii hore, halka Hoggaanka Hawlgelintana loo magcaabay Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Digreetadan laguma xusin wax sabab ah oo keentay in xilka laga qaado labada masuul ee ugu sarreeya ciidamada Milateriga. Nuux Ismaaciil Taani taliyaha ciidamada Somaliland ee xilka maanta laga qaaday ayaa siddeedii sano ee u dambaysayba xilkan soo hayey.

XS
SM
MD
LG