Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Xeerar la ansixiyay


Somaliland: Xeerar la ansixiyay
Somaliland: Xeerar la ansixiyay

Golaha Wakillada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerar doorashooyinka ku saabsan iyo miisaaniyada 2010

Fadhi ay maanta goluhu ku yeesheen Hargeysa oo ay ku sugnaayeen 53 mudane, ayay cod aqlabiyad leh ku meelmariyay miisaaniyada Somaliland ee sanadka 2010-ka.

Goluhu wuxuu kaloo ansixiyay xeerar la xiriira doorashooyinka, sida xeerka lagu dhaqayo ururada aan dowlagga ahayn iyo wax ka baddal lagu sameeyey xeerka doorashooyinka.

Xeerka doorashooyinka ee la ansixiyay ee wax laga badalay waxaa uu dhigayaa in ololaha doorashadu ay noqonayso 21 cisho, halkii uu hore u ahaa 30 cisho.

Xeerka kale ee ay meelmariyeen goluhu waxaa ku jira, haddii ay geeri ku timaado mid ka mid ah musharixiinta madaxweynenimo 7 cisho ka hor maalinta doorashada, in murashaxaasi loo codeyn doono, haddii uu ku guuleystana waxaa xilka qaban doono kuxigeenkiisa, muddo 6 bilood kadibna doorasho kale la qaban doono.

XS
SM
MD
LG