Ballan-qaadyadii uu bixiyey madaxweynaha cusub ee Somaliland xilligii uu ol-olaha doorashada ku jiray ayaa waxa ka mid ahaa inuu fasixi doono in la furto idaacado ama raadiyowyo madax banaan. Waxaa xusid mudan in xukuumadda Madaxweyne Rayaale ay diidday in la furo idaacado iyadoo, sida loo malaynayo, u diidday in aan amnigu faraha ka bixin.
Inkastoo uu jirrtay hal idaacad oo dawladdu maamusho, haddana waxaa Somaliland ka jiray wargeyso iyo telefishanno madax banaan oo dhawr ah.
Warkii oo dhameystiran hoosta ka dhageyso.