Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalida Kanada oo Cabaneysa


Jaaliyadda Somalida ee Magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa cabsi weyn ka qaba in qaar kale oo ka mid ah caruurtooda ah ay ku biiraan kooxaha Gangska ama ay ku dhintaan gacanta kooxahaasi.

Si cabsidaasi iyo dareenkooda ku xeeran ay u muujiyaan ayaa dhawaan waxaa isugu soo baxay jidadka magaalada toronto boqoolaal Somali ah.

Isu soo baxan iyo cabsidan ay Jaaliyadda Somalidu Qabto ayaa yimid ka dib markii toogashooyin is xig xigay lagu dilay sadex dhalinyaro Somaliyeed ah ilaa iyo bishii June.

Jaaliyadda Somalida ayaa dhinaca kale u baroor diiqayay dilalkaasi loo geystay Abdulle Elmi, Hussein Hussein iyo Ahmed Hassan, oo dhamaantood da’doodu ay ka hooseeysay 30 jir.

Warbixin ku saabsan arintaasi halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG