Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhammaadka Waqtigii Sharciga ee Baarlamaanka


Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisii ugu dambeeyay ee muddadii sharciga aheyd.

Baarlamaanka ayaa la doortay lana dhaariyey 20-kii Ogosto sannadkii 2012-ka, waxaana la filayey inuu beddelo baarlamaan lasoo doortay.

Hoggaamiyayaasha Soomaalida ayaa sheegay in arimo amni dartood aan doorasho laga qaban karin waddanka taasina waxay keentay inay dib u dhacdo doorashadii hay'adsaha dawladda.

Xubnaha baarlamaanka ayaa sheegay in aqalka baarlamanka uu sii jiri doono ilaa iyo inta baarlaman kale laga soo dooranayo si looga fogaado firaaq dhinaca hey’adda sharci dejinta ah oo dalka ka dhaca.

Wariyeheenna Xassan Kaafi Cabdiraxman Qoyste ayaa kulankii maanta warbixintan kasoo diray.

Somali Parl
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:26 0:00

XS
SM
MD
LG