Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiis Dhexmaray Somalia & Somaliland


Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta gaadhay heshiish kaddib markii la soo afjaray wadahadal duleedka London uga socday ergooyin ka kala socday dowladda iyo Somaliland.

War-Murtiyeed ka kooban 8 qodob ayaa laga soo saaray gaba-gabadii wadahadahaasi oo muddo laba cisho ah ka socday duleedka London, waxaana ka mid ahaa qodobada ay gaadheen labada dhinac.

1: In wadahadallo ay sii socdaan oo u dhaxeeya DKMG (ama ciddii baddasha) iyo Somaliland iyadoo la tixraacayo shirarkii magaalooyinka London iyo Istanbul.

2: In la qaato hannaan mideysan oo ka hortagaya wax alle wixii caqabad ku noqon kara in labada dhinca ay wadahadalkooda sii wataan.

3: Inay labada dhinac ka go’an tahay sii socoshada wadahadalka iyadoo labada madaxweyne loogu baaqayo inay sida ugu dhaqsiyaha badan u kulmaan si ay dib ugu eegaan horumarka wadahadallada.

4: In beesha caalamka ay labada dhinac ugu baaqeen inay sii wadaan fududeynta wadahadalada, iyadoo ay ku jirto inay labada dhinac ka taageeraanm khubarro dhinaca sharciga, dhaqaalaha iyo aarrimaha amniga isugu jira.

5: Inay labada dhinac is weydaarsato khibaraddaha dhexdooda ah, si si wanaagsan ay ula shaqeeyaan beesha caalamka, gaar ahaan horumarka iyo gar-gaarka bini’aadanimo ee ladaba dhinac la siinayo, iyagoo ku baaqay in gargaarkaasi la kordhiyo.

6: Inay labada dhinac iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada, xagjirka iyo danbiyada waaweyn,

7: Inay labada dhinac iska kaashadaan la dagaallanka burca-badeedda, badda iyo bariga ah, danbiyada baddaha, kaluumaysiga sharcidarada ah iyo suntan lagu daadinayo badda.

8: Waxay labada dhinac ku celiyeen taageerrada ay u hayaan ina la soo afjaro xilliga KMG ee Soomaaliya.

War-murtiyeedkaasi kaddib ayaa VOA wareysi la yeelatay, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee DKM, C/samad Macalin Max’uud iyo wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland, Dr. C/laahi Max’ed Cumar.

XS
SM
MD
LG