Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawladda Kenya oo La Wareegtay Sakariye Ismaaciil Xirsi


Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dowlada Somalia, diyaarad Mlitari oo ay dowlada Kenya leedahay ayaa lagu soo warramayaa inay magaalada ku taalla xuduuda Kenya iyo Somalia ee magaalada Ceelwaaq ka qaadey Sakariya Ismaaciil Xirsi oo ah sarkaal ka tirsanaa Alshabab maalmihii lasoo dhaafay ay qabteen ciidamada dowlada Somalia ee gobolka Gedo.

Sakariye ayaa waxaa diyaarada qaadey ku wehlinaya laba nin oo isaga markii horeba lala qabtey iyo qaarkamid ah saraakiisha ciidanka dowlada ee Ceelwaaq ee gacanta ku dhigay.

waxaa kale oo ay sheegayaan saraakiisha aan la xariirnay in diyaaradii Militariga Kenya ay u qaadey Sakariye Ismaaciil magaalada Nairobi.

Wararka kale ee laga haleyo saraakiisha dowlada Somalia ayaa sheegayo in dowlada Somalia ay u dirtey magaalada Wajeer ee dalka Kenya diyaarad ay la socdaa xildhibaano iyo saraakil kasocda dowlada kuwaasoo doonayey inay soo qaadaan markii hore Sakariye.

Waxaa socda wada hadalo u dhaxeeya dowlada Somalia iyo Kenya oo ku aadan sidii Sakariye loogu soo duulin lahaa magaalada Muqdisho.

Sakariya Ismaaciil Xirsi ayaa ahaa sarkaal hore uga tirsaa ururka Alshabab waxaana dhowr kii cishee lasoo dhaafay uu joogay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo halkaasoo ay ku qabteen ciidamad adowlada Somalia markii la ogaadey inuu ku jirey guri kuyaalay degmadasi.

XS
SM
MD
LG