Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawladda oo Xaqiijisay Dilka Taliye Ka Tirsan Al-Shabab


Dawladda Soomaaliya ayaa goor dhowayd sheegtay in la dilay Taliyihii Guutada Amniyaatka iyo Sirdoonka ee Al-Shabab oo magaciisa lagu sheegay Cabdishakur Tahliil.

War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Hay'adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in Tahliil lala dilay laba nin oo kale.

Shalay ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka ay sheegtay inay duqayn ka gaysatay agagaarka magaalada Saakow ee Gobolka Jubbad Dhexe.

Aqalka Pentagon-ka ayaa sheegay in duqaynta lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka al-Shabab.

Wararku waxay sheegayaan in duqayntu bartilmaameedsatay baabuur ay la socdeen saraakiishaasi, kaasi oo lagu burburiyey duqaynta.

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in Tahliil uu beddelay Sakariye Ismaaciil Xirsi oo dawladda Soomaaliya sheegtay inuu ku jiro gacanta hay'adda NISA.

XS
SM
MD
LG