Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sharif oo kala diray xukuumadda


Madaxweyne Sh. Shariif
Madaxweyne Sh. Shariif

Madaxweynaha DKMG ah, Sharif Sh. Axmed ayaa kala diray xukuumadda ra'iisul wasaare Cumar C/rashid Cali Sharma'arke, isagoo sidoo kala is-casilaad ka aqbalay guddoomiyaha baarlamaanka, Sheikh Aadan Madoobe.

Madaxweynaha DKMG ah, Sharif Sh. Axmed ayaa kala diray xukuumadda ra'iisul wasaare Cumar C/rashid Cali Sharma'arke, isagoo sidoo kala is-casilaad ka aqbalay guddoomiyaha baarlamaanka, Sheikh Aadan Madoobe.

Madaxweyne Sharif ayaa sheegay in muddo gaaban uu kusoo magacaabi doono ra'iisul wasaare cusub, kaas oo isaguna soo dhisi doona xukuumad cusub.

Isbeddelkan ayaa kusoo beegmaya maalin uun kaddib markii uu golaha baarlamaanka Somalia hareeyey muran ku saabsan guddoonka, iyadoo mudanayaal fara badan ay sheegeen inay kalsoonidii kala laabteen guddoomiye Sheikh Aaden Madoobe.

Guddoomiyaha ayaa isugana dhankiisa ka sheegay inay dhacday xukuumadda ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Shar'arke.

Madaxweyne Sharif, oo uu dhinac fadhiyo Sheikh Aaden Madoobe, ayaa Isniinta maanta ah shir jaraa'id oo ay si wadajir ah ugu qabteen Villa Somalia, waxay sheegeen inay isla garteen in guddoomiyuhu uu is-casilo.

Madaxweynaha ayaase intaas raaciyey inuu sidoo kale kala diray xukuumadda ra'iisul wasaare Sharma'arke, isagoo sheegay inay ku fashilantay inay wax ka qabato caqabadaha ka horyimid DKMG ah ee Somalia.

Qaar ka tirsan siyaasiyiinta iyo aqoonayahanada Somalia ayaa isbeddelkan dhashay ku macneeyay fursad weyn oo ay tahay in laga faa'idaysto.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso, Warbixinno iyo wareysiyo ka hadlaya kala-dirida xukuumadda.

XS
SM
MD
LG