Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somali lagu qab-qabtay Nairobi


Soomaalida degan Xaafadda Eastleigh
Soomaalida degan Xaafadda Eastleigh

Ugu yaraan 100 qof oo Somali ah ayaa xalay laga raafay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.

Saraakiisha Amniga ee Kenya ayaa sheegay in qab-qabshadan ay ka danbeyso howlgallo dhinaca amniga ah oo ciidamadu ay habeenkii xalay ka fuliyeen xaafaddo ka tirsan magaalada Nairobi.

Ma cadda in qab-qabashadan ay la xiriirto qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala. Saraakiisha Kenya ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay inay adkayn doonaan ammaanka Kenya, kadib qaraxyadii Al-Shabaab ay ka geysteen magaalada Kampala.

Ma aha markii ugu horeysay ee Somali lagu raafo magaalada Nairobi.

Dhinaca kale, Saraakiisha Kenya ayaa xadka Kenya iyo Somalia ku qabtay nin wata baasaboorka Kenya oo ku sii socday dalka Somalia. Saraakiisha ayaa sheegay inay ka shakisan yihiin in ninkani damacsanaa inuu ku biiro kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta gudaha Somalia.

XS
SM
MD
LG