Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar Lagu Dilay Magaalada Muqdishu


Ugu yaraan hal askari ayaa dhintay mid kalena waa uu dhaawacmay kadib markii qarax lala beegsaday baabuur ay la socdeen degmada Hodan duhurnimadii maanta.

Qaraxan ayaa la sheegay in lala beegsaday baabuur ay la socdeen shan askar ah. Mid ka mid ah askarta oo fadhiyey kursiga qaraxa lagu xiray ayaa la sheegay inuu dhintay.

Askartan la bartilmaameedsaday ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Guutada Shanaad ee ciidanka milatariga Soomaaliya.

Dhinaca kalena askari booliis ah ayaa la sheegay in lagu toogtay degmada Wadajir wax yar kadib qaraxa kka dhacay Hodan.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weeraradan hase yeeshee ururka al-Shabab ayaa horey u sheegay inay bartilmaameedsanayaan ciidamada dawladda iyo saraakiisha, waxayna kordhiyeen weerarrada dhacaya bisha Ramadaan gudaheega.

XS
SM
MD
LG