Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siilaanyo oo Loo Doortay Madaxweynaha Somaliland


Doorashadii 26ka June ka dhacday Somaliland oo maanta lagu dhawaaqay ayaa waxa madaxweyne loogu doorday musharixii Kulmiye, Siilaanyo

Guddiga Doorashada Somaliland ayaa maanta Hargeysa uga dhawaaqay in Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah musharaxa xisbiga mucaaradka ee Kulmiye uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Somaliland.

Guddiga ayaa sheegay in Axmed Siilaanyo uu helay 49%. Madaxweyne Daahir Rayaale oo ah musharaxa xisbiga talada haya ee UDUB ayaa isna helay 33%, halka Faysal Cali Waraabe oo ah musharaxa xisbiga UCID uu helay 17%.

Guddiga ayaa ku dhawaaqay in Axmed Siilaanyo uu yahay madaxweynaha Somaliland ee shanta sanno ee soo socota.

Axmed Siilaanyo iyo guddoomiye-ku-xigeenkiisa xisbiga Kulmiye oo isna loo doortay madaxweyne-kuxigeen. ayaa waxaa lagu wadaa in loo dhaariyo jagada madaxweynenimo ee Somaliland.

Madaxweyne Rayaale aya ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijada wuxuu sheegay inuu aqbali doono natiijada ka soo baxda doorashada.

XS
SM
MD
LG