Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siilaanyo oo loo Dhaariyay Xilka Madaxweyne-nimo


A chipping sparrow tugs on some loose threads of weathered clothing while gathering nest-building materials in a garden in Freeport, Maine, USA.
A chipping sparrow tugs on some loose threads of weathered clothing while gathering nest-building materials in a garden in Freeport, Maine, USA.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta munaasabad ka dhacday Hargeysa xilka madaxweynenimo kala wareegay Daahir Rayaale Kaahin.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday qasriga madaxtooyada ee Somaliland waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiinta ka tirsan xisbiyada siyaasadda, golleyaaasha Somaliland iyo wafuud ka kala socota dalalka Djibouti, Kenya iyo Ethiopia.

Daahir Rayaale, madaxweynaha xilka ka dagaya iyo Madaxweynaha cusub Axmed Siilaanyo ayaa khudbado kala duwan ka soo jeediyay munaasabaddaasi. Mudane Daahir Rayaale, ayaa soo dhaweeyay Siilaanyo wuxuuna u balanqaaday inuu la shaqeyn doono. Sidoo kale Siilaanyo ayaa isna u mahadceliyay Daahir Rayaale, wuxuuna dhanka kale dadka Somaliland ka codsaday in gacan ka siiyaan xilka cusub ee loo magacaabay.

Wafdiga Djibouti waxaa hoggaaminayay Wasiirka Dhaqanka iyo Warfaafinta Cali Cabdi Faarax, wafdiga Ethiopia waxaa hoggaaminayay Wasiirka Dhaqanka iyo Gaadiidka Maxamuud Dirir, halka wafdiga ka socday dalka Kenya uu hoggaaminayay guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso, warbixinno ka hadlay qaabka ay u dhacday xil-wareejinta iyo waliba marxalladihii kala duwanaa ee ay soo martay hannaanka dimoqraadiyada Somaliland.

XS
SM
MD
LG