Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Lagu Dilay Gaalkacayo


Galkayo, Somalia
Galkayo, Somalia

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland lagu dilay magaalada.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda VOA u sheegay in laba qof oo hubaysan ay toogasho ku dileen xildhibaanka iyo nin ilaaladiisa ah, kadibna ay ka baxsadeen goobta.

Dilka ayaa la sheegay inuu ka dhacay agagaarka huteelka Classic oo ku yaalla magaalada Gaalakacayo dhinaceeda Waqooyi.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa VOA u sheegay in xildhibaankii la dilay isagoo dhaawac culus qaba la geeyey cisbitaalka magaalada halkaasna uu dhaawici gaaray ugu geeriyooday.

Xildhibaanka la dilay ayaa magaciisu ahaa Cabdulxakiin Macallin Daahir.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka.

XS
SM
MD
LG