Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkii Garoowe oo Hakad ku Yimid


Shirkii Garoowe oo Hakad ku Yimid
Shirkii Garoowe oo Hakad ku Yimid

Wararka ka imanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in shirkii wadatashiga Garoowe uu hakad ku yimid isla markaana kulankii maantan lagu kala tagay kaddib markii madaxda kooxaha ka qeybgalayay shirku ay isku af-garan waayeen waxaa laga yeellayo hanaanka awood-qeybsiga ee 4.5.

Warar ku dhow dhow shirka oo ay VOA heshay ayaa sheegaya in maamulka Puntland ay ka biyo diideen hannaanka awood qeybsiga 4.5 oo ay ku adkeysteen in qaabka awoodda lagu qeybsanayo laga dhigo degmo iyo gobol, balse arrintaasi waxaa qaadacay xubnaha kale ee shirka ka qeybgalay.

Shirkan ayaa lagu waday in maanta la soo gaba-gabeeyo, balse is af-garan waaga maanta dhashay awgeed, waxaa la sheegayaa in madaxda ay ku heshiiyeen inay ilaa caawa sii wadaan kullamada la yeelanyo si heshiis looga gaadho qodobka la isku haysto ee hannaanka 4.5.

XS
SM
MD
LG