Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laacibka Shiikhaalow oo Geeriyooday


Laacibka Shiikhaalow oo Geeriyooday
Laacibka Shiikhaalow oo Geeriyooday

Xiddiggii hore ee kubadda cagta xulka qaranka Somalia, Maxamed Xuseen Cali Shiikhaalow ayaa wadnuhu ku istaagay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu durba ku geeriyooday.

Mid kamid ah laacibiintii ugu waaweyned xulka qaranka Somalia ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Maxamed Xuseen Cali (Shiikhaalow), oo lagu tiriyo inuu yahay laacibka ugu xirfadda wanaagsan xagga kubadda cagta ee xulka qaranka, ayaa wadnuhu istaagay.

Shiikhaalow wuxuu guulo badan usoo hooyay xulka qaranka Soomaaliya, intii uu u ciyaari jiray. Waxay dadka ka falanqooda Sports-ka ku sifeeyaan inuu kamid yahay ciyaartoyda ugu xirfadda iyo tayada badan ee soo mara taariikhda Somalia.

Waxaan arrintaas ka wareysannay Maxamed Cabdulle Farayare, oo ah tababaraha xulka qaranka Somalia ayaa Caasha Cuud uga warramay qofka uu ahaa marxuum Shiikhaalow.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG