Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sheekh Shariif iyo Siilaanyo oo Kulmay


Madaxweynaha DKMG, Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo ayaa goor dhaweyd kulan ku dhexmaray magaalada Dubai ee dalka Emirate-ka.

Kulan oo ay marti-galisay dowladda Emirate-ka ayaa wuxuu daba socdaa shirarkii London iyo Istanbul iyo waliba kulankii toddobaadkii hore magaalada London ku dhexmaray ergooyin ka kala socda DKMG iyo Somaliland.

Ujeedada kulankan ayaa lagu sheegay inay ahayd sidii ay labada dhinac u taageeri lahaayeen hannaanka geeddi-socodka wadahadallada labada dhinac ee bilowday toddobaadkii hore.

Labada mas’uul waxay ku heshiiyeen inay wadahadallo sii socdaan in guddiga labada dhinac loo ogolaado inay sii wadaan wadahadal si loo caddeeyo xiriirka mustaqbal ee labada dhinac dhexmari kara.

XS
SM
MD
LG