Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sharmaarke oo Muqdisho ku Laabtay


Sharmaarke oo Muqdisho ku Laabtay
Sharmaarke oo Muqdisho ku Laabtay

Ra'iisul-wasaaraha DKMG Cumar C/rashiid oo maanta ku noqday Muqdisho ayaa sharcidarro ku tilmaamay mooshinka ka dhan ah xukuumaddiisa

Ra'iisal wasaaraha DKMG ah ee Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo maanta Muqdisho ku noqday ayaa sharci darro ku tilmaamay kulan ay xildhibaannada Somalia ku doonayeen in kalsoonidda loogu qaado xukuumaddiisa.

Raisal-wasaare Sharma'arke oo wareysi gaar ah siiyay VOA kadib markii uu Muqdisho ku noqday ayaa beeniyay in khilaafka kala dhaxeeya madaxweyne Shariif uu yahay mid shaqsi ah, balse wuxuu sheegay inuu socdo qorshayaal la doonayo in xukuumaddiisa looga taqaluso.

Raisal-wasaare Sharma'arke wuxuu sheegay inasyan sharci ahayn tallaabada uu ku dhaqaaqay Adan Madoobe oo ah ku-xigeenkiisa, kaasi oo dalbaday in xukuumadda la horgeeyo baarlamaanka. Raisal-wasaaruhu wuxuu hoosta ka xariiqay in xukuumaddiisu ay dhawaan kalsoonida ka heshay baarlamaanka, haatana aan loo baahnayn kalsooni kale. oo ay xukuumaddiisu weydiisato baarlamaanka.

Wareysiga oo dhamaystiran qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG