Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sharma'arke: Xukuumaddu may dhicin


Sharma'arke: Xukuumaddu may dhicin
Sharma'arke: Xukuumaddu may dhicin

Ra'iisul-wasaare Cumar C/rashiid ayaa beeniyay in xukuumaddiisa waqtigii ka dhamaaday sida uu sheegay Adan Madoobe.

Sharma'arke wuxuu VOA-da u sheegay in Adan Madoobe uusan awood u lahayn inuu rido xukuumadiisa isla markaana ay taasi tahay sharci-darro. Cumar wuxuu Adan Madoobe ku eedeeyay inuu caqabad ku yahay fadhiyada iyo kullamo ay yeeshaan baarlamaanka Somalia.

Sharma'arke, wuxuu iska fogeeyey in xukuumadiisu ay wax lug ah ku leedahay khilaafka ka taagan gudaha baarlamaanka.

Ra'iisul-wasaare Sharma'arke wuxuu soo dhaweeyey guddoomiyaha cusub ee Haji Shukri Sheekh Axmed oo qaar ka tirsan baarlamaanka KMG ay guddoomiye KMG ah u soo doorteen.

Ra'iisul-wasaarihii hore ee Somalia Prof. Ali Khaliif ayaa VOA-da u sheegay inay nasiib darro tahay khilaafka iyo kala qeybsanaanta soo kala dhexgashay hay'addaha dowliga ee Somalia.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso wareysiga ra'iisul-wasaare Sharma'arke.

XS
SM
MD
LG