Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sharmaarke: Waxaan Suurto-gelinay Jiritaankeena


Sharmaarke: Waxaan Suurto-gelinay Jiritaankeena
Sharmaarke: Waxaan Suurto-gelinay Jiritaankeena

Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu u warramay wariyeyaal caalami ah, ka dib markii uu xilka iska casilay.

Ra’iisal wasaarihii xilka iska casilay ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa ka hadlay sababta ay dowladda KMG ahi uga gudbi weyday caqabadaha dhanka ammaanka iyo waxa keenay in ciidamadu ay si joogta ah mushaharkoodu u heli waayeen, iyadoo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan uu rajeeyay in dadkii ka qaxay Muqdisho ay dib guryohooda ugu soo laabtaan.

Mas’uuliyiintaasi iyo saraakiil ka tirsan ciidamada booliska waxay la hadleen wariye ka tirsan Idaacadda NPR ee dalkan Maraykanka oo Muqdisho booqasho booqday.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu iska casilay xilkiisa ka dib markii muran siyaasadeed uu soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweyne sheikh Shariif Sheekh Aadan.

Dowladda uu maraykanku taageero waxaa lagu dhaliilay inuu musukhmaasukh baahsan ka dhex jiro, ayna awoodi wayday inay la tacaasho kooxaha mucaaradka ee dagaalka kula jira.

Hase yeeshee ra’iisal wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid wuxuu qabaa inay mudnaayeen in darajo lagu siiyo jiritaanka ay xajisteen.

XS
SM
MD
LG