Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sharma'arke: Shariif xukuumadda ma kala diri karo


Sharma'arke: Shariif xukuumadda ma kala diri karo
Sharma'arke: Shariif xukuumadda ma kala diri karo

Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, Ra'iisul-wasaarha xukuumadda KMG ayaa qaadacay kala diridda uu madaxweyne Shariif kala diray xukuumaddiisa.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu Cumar C/rashiid wuxuu ku sheegay in madaxweyne Shariif aanu xaq u lahayn inuu kala diro xukuumadda.

Sharma'arke, wuxuu ku sheegay in go'aanka uu madaxweynuhu uusan waafaqsanayn Axdiga KMG.

Cumar C/rashiid, wuxuu xusay in xukuumaddiisu ay dhici karto oo kaliya marka ay waydo kalsoonida baarlmaaanka in ka badan 50% sida uu qabo ayuu yiri Dastuurka dalka u dagan qodobkiisa 44-aad iyo qodobka 51-aad.

Sharma'arke, wuxuu ka dhawaajiyay in xukuumaddiisu diyaar u tahay inay hortagto baarlamaanka si ay kalsooni u weydiisato, wuxuuse xusay in marka hore baarlamaanka KMG ay soo doortaan guddoomiye cusub.

Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul-wasaare Sharma'arke ayaa xalay yeeshay kulan albaabadu u xiran yihiin oo ay uga hadleen go'aankii uu madaxweyne Shariif ku kala diray xukuumadda. Kulankaasi ayaan wax natiijo ah ku dhamaan.

Go'aankan cusub ee Sharma'arke ayaa ceel dheer ku sii ridaya khilaafka ba'an ee hadheeyay dowladda KMG.

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay go'aankii madaxweyne Shariif ee uu xukuumadda ku riday, balse lama oga jawaabta ay maanta ka bixin doonaan isla go'aankan uu Sharma'arke ku sheegay in xukuumaddiisu sii shaqeyn doonto.

XS
SM
MD
LG