Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ku dhaliilay beesha caalamka habka ay ula dhaqmaan Soomaaliya.
Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin heshiis ay dowladda KMG ah la gashay shirkad ajnabi ah, heshiiskii xukuumaddiisu ay magaalada Gaalkacayo kula saxiixatay Puntland, caqabadihii dhanka amniga ee ka horyimid dowladda KMG ah xilligii uu ra’iisal wasaaraha ahaa, sababihii keenay iscasilaaddiisa, iyo arrimo kale oo badan.
Mr. Sharmaarke oo haatan ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayuu ugu baaqay beesha caalamka inay taageero siiyaan xukuumadda hadda jirta si loo qabto ayuu yiri hawlo badan ka hor intuusan dhammaanin wakhtiga KMG ah ee dowladda oo ku eg bisha August ee sanadka soo socda.