Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif Xasan oo Muqdisho ku Noqday


Guddoomiyaha baarlamaanka KMG Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa maanta si deg deg ah dib ugu noqday Muqdisho maalin kaddib markii uu sheegay inuu ka soo horjeedo xil ka qaadiska ay ku sameeyeen qaar ka tirsan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa Muqdisho ka sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo furayo fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya oo muddo xirnaa, iyadoo qodobada ugu horreeya ee baarlamaanku ka dooddi doono uu noqanaya qorshaha road-mapka.

Shariif Xasan wuxuu maanta mar kale ku celiyay inuu yahay guddoomiyaha sharciga ah ee baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay madaxda hay'addaha DKMG ee Soomaaliya inay hirgaliyaan wixii ay ku heshiiyeen.

Muranka baarlamaanka Soomaaliya ayaa cirka ku sii shareeraya, lama oga dib u noqoshada guddoomiye Shariif waxay xaaladda ka baddali doonto.

XS
SM
MD
LG