Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif Xasan oo ka hadlay Doorashada


Guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u jeediyay Jabuuti baaq la xiriira doorashada iyo xilliga kala guurka.

Guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ka hadlay doorashada madaxda dowladda wakhtiga kala guurka.

Shariif Xasan oo Muqdisho ku sugan waxa uu wareysi khaas ah siiyay VOA, ka dib markii uu qabtay shir jaraa'id oo uu kaga hadlay arrimaha doorashada iyo xilliga kala guurka.

Guddoomiye Shariif Xasan ayaa soo dhoweeyay go'aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa doorashada, wuxuuna sheegay in doorashadu ay wakhtigeeda dhici doonto.

Wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in laga wadahadlo qaabkii ay u dhici lahayd doorashada iyo wakhtiga la qabanayo.

Wuxuu sidoo sheegay inuu ka codsanayo madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle uu ka qeyb qaato sidii doorashadaasi ay qabsoomi lahayd bisha August.

XS
SM
MD
LG