Madaxweyne Shariif, wareysi khaas ah oo uu siiyay Idaacadda VOA ayuu ku canbaareeyey weerarkii shalay lagu qaaday garoonka diyaaradaha, kuna tilmaamay inuu ahaa mid foolxun.
Madaxweyne Shariif, wuxuu sheegay inay dalka ka saari doonaan kuwii weerarkaasi ka danbeeyay. Madaxweyne Shariif, wuxuu hoosta ka xariiqay in weerarkaasi iyo weerarada la midka ah ee ururka Al-Shabaab ay qaadaan uu ka dhigan yahay inay quus taagan yihiin.
Wareysigan Madaxweyne Shariif, wuxuu hambalyo munaasabadda Ciiddu-Fidriga u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed.
Wareysiga Madaxweyne Shariif qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.