Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif oo hambalyo u diray shacabka Somaliland


Madaxweyne Sh Shariif
Madaxweyne Sh Shariif

Madaxweynaha DKMG Shariif Sh. Axmed ayaa shacabka iyo maamulka Somaliland ugu hambalyeeyay doorashada madaxtinimada ee maanta dhacaysa.

Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isagoo ka hadlayay xuska maalinta 26-ka June oo ah sanadguuradii 50-aad ee ka soo wareegatay maalintii calan xor ah laga taagay gobollada waqooyi ee Somalia, wuxuu si hambalyo u diray shacabka Somaliland.

Sheekh Shariif, ayaa munaasabadan awgeed sidoo kale hambalyo iyo bogaadin ku aadan doorashada Somaliland u diray maamulka iyo shacabka Somaliland oo maanta codadkooda ku dooranaya madaxweyne.

Madaxweyne Shariif, wuxuu sheegay in doorashada Somaliland ay horseedi karto waayo cusub oo Somalia oo dhan u bilowda. Shariif wuxuu u rajeeyay in doorashadaasi ay ka soo baxdo natiijo wanaagsan.

Madaxweyne Sheekh Shariif, wuxuu xusay in maalinta 26-ka June ay tahay maalin qiimo weyn ku leh shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba, taasi oo ah markii calankii ugu horeeyay la taagay.

Sheekh Shariif, wuxuu somalida ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa midnimadii Somalia.

XS
SM
MD
LG