Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif: Faragelinta Kenya Raali Kama nihin


Shariif: Faragelinta Kenya Raali Kama nihin
Shariif: Faragelinta Kenya Raali Kama nihin

Madaxweynaha DKMG ee Somalia, Sharif Sh. Axmed ayaa sheegay in dowladdiisa iyo shacabka Soomaaliduba aysan raali ka ahayn soo gelista ciidamada Kenya ee Somalia.

Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in Kenya ay kaliya ka doonayaan inay taageerto ciidamada Soomaalida ah oo uu sheegay inay iyagu diyaar u yihiin fulinta howsha dagaallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Shariif wuxuu sheegay in Kenya looga baahan yahay inay tixgaliso dareenka shacabka Soomaalida, wuxuuna ugu baaqay inay ka fogaato wax kasta oo dhaawac u keenaya xiriirka Kenya iyo Somalia.

XS
SM
MD
LG