Mweynaha DKMG Sh. Shariif ayaa kulan uu maanta la qaatay xubno ka tirsan baarlamaanka Somalia ku sheegay in xal u helid la'aanta muranka ku saabsan muddo kordhinta xukuumadda iyo baarlamaanka Somalia uu curyaaminayo hay'addaha dowladda KMG.
Sheekh Shariif, wuxuu xubnaha baarlamaanka ugu baaqay in go'aan adag laga qaato muddo-kordhinta oo si wadajir ahna loogu heshiiyo muddada baarlamaanka iyo xukuumaddu ay shaqeynayaan.
Shariif wuxuu sheegay in doorasho la qabtaa ay ka horreyso in xal ay gaaraan hay'addaha dowladda, wuxuuna Sheekh Shariif hoosta ka xariiqay in haddii doorasho la qabanayo uu isagu diyaar u yahay inuu ka mid noqdo musharixiinta doorashada isku taagi doona.