Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada DKMG iyo kuwa Kenya ayaa lagu soo furtay afar shaqaale ajanabi ah oo Jimcihii laga afduubay xeryaha Dhadhab.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa xalay weerar ku qaaday gudaha Soomaaliya meel 70 km u jirta degmada Dhoobley halkaasi oo dableydu ay ku haysatay shaqaalaha samafalka, waxaana u suurtogashay ciidamada inay soo furtaan shaqaalahaasi, iyadoo weerarkaasil a sheegay inuu ku dhintay mid ka mid ah dableydii afduubka geysatay.
Samafalayaasha ayaa u shaqeynayay hay'adda NRC ee Norway, waxaana dabley hubeysan ay Jimcihii ka soo kaxeysteen xerada IFO II, iyadoo shilkaasi uu ku dhintay darawalkii waday samafalayaashan.
Booliska Kenya ayaa sheegay in shaqaalahan ay u dhasheen dalalka Norway, Canada, Pakistan iyo Filipino.