Maamulka Al-shabaab ee gobollada Bakool iyo Gedo ayaa hakiyay gaadiidkii isaga kala gooshi jiray Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan degmooyinka ku yaalla xuduudda labada dal.
Al-shabaab waxay mamnuuceen gaadiidka u gudba Ethiopia iyo kuwa kale ee ka soo baxaya dhinaca Ethiopia ee soo galaya Soomaaliya.
Inka badan 30 gaadiid ah ayaa ku xayiran inta u dhaxeysa degmooyinka Rabdhurre, Yeed, Ceel-Barde, Luuq iyo Doolow oo gobolada Bakool iyo Gedo ka kala tirsan.
Saraakiisha Al-Shabaab kamaysan hadlin sababta ay u xayireen gaadiidkaasi, hase yeeshee muddooyinkii ugu dambeeyay waxay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen deegaanno ka tirsan labadaasi gobol.
Tallaabada ay al-Shabaab ku joojisay gaadiidka isaga kala goosha xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku soo beegmaysa xili muddooyinkii ugu dambeeyay ay xiisado colaadeed ka jireen deegaano ka tirsan Bakool iyo Gedo, kuwaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda kmg ah iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo kuwa al-Shabaab.