Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo Dib u Qabsaday Dhoobley


Shabaab oo Dib u Qabsaday Dhoobley
Shabaab oo Dib u Qabsaday Dhoobley

Wararka ka imanaya magaalada Dhoobley ee Jubbada Hoose ayaa sheegaya inay halkaasi dib u qabsadeen maleeshiyada ururka Al-Shabab.

Xoogaga ururka Al Shabaab ayaa soo galay magaalada habeenimadii xalay ee Khamiistii.

Dad goobjoogayaal ah ayaa VOAda u sheegay in ciidmadii uu hogaaminayay Sh Axmed Madoobe ay u dhaqaaqeen dhinaca Afmadow iyo deegaanada u dhow.

Ugu yaraan laba ka mid ah dadkii dagaaladaasi ku dhaawacmay ayaa loo tallaabiyay dhinaca gudaha Kenya , sida uu VOAda u xaqiijiyay afhayeen u hadlay hay’adda MSF oo ku sugan Dhadahaab.

Dib u qabsashada Al Shabaab ayaa ku soo beegmaysa kadib markii magaalada Dhoobley ay muddo kooban gacanta ugu jirta ciidamada uu hogaaminayo Sh Axmed Madoobe.

Magaalada Dhoobley ayaa ah magaalo ku taala xadka Kenya iyo Somalia oo istaariijiyad gaar ah leh.

XS
SM
MD
LG