Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab iyo Dowladda oo ku Dagaalay Ufurow


Wararka ka imanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaal maanta uu ka dhacay degmada Ufurow oo ay ku sugnaayeen Al-Shabab markii halkaais ay weerareen ciidamada dawladda.

Dagaalka, ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Buul Caddey oo ka tirsan Ufurow, markii sida la sheegay ay ciidamada weerarka qaaday ay ka war heleen xubno Shabaab ah oo halkaas ku sugan.

Guddoomiyaha Ufurow ee maamulka Koonfur Galbeed Xasan Aadan Nuur ayaa VOA u sheegay inay dagaalka ku dileen afar sarkaal oo sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay inuu ku jiray nin la magacaabo Sheekh Xasan, oo u qaabilsanaa Shabaab qorista caruurrta dagaalka la geliyo.

Waxa uu sidoo kale sheegtay inay hub badan kasoo furteen Al-Shabaab. Ma jiraan warar madax bannaan oo laga helayo deegaanka.

XS
SM
MD
LG