Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh. Xasan Daahir oo Wareysi siiyay VOA


Sh. Xasan Daahir oo Wareysi siiyay VOA
Sh. Xasan Daahir oo Wareysi siiyay VOA

Sh. Xasan Daahir ayaa ka hadlay ku-biirintaanka Shabaab, isagoo beeniyay in ururkiisu is-dhiibay kaddib markii laga itaal-roonaaday.

Sheekh Xasan Daahir Aweys, hoggaamiyihii hore ee Xisbul-Islaam ayaa soo dhaweeyay midowga uu ururkiisu la midoobay kooxda Al-Shabaab. Xasan Daahir oo wareysi khaas ah siiyay VOA ayaa sheegay in in muddo ahba ay wadeen sidii loo mideyn lahaa labadan urur oo uu sheegay inay isku hadaf yihiin.

Sh. Xasan Daahir Aweys, wuxuu iska fogeeyay in ururkiisa laga itaal-roonaaday oo ay isku dhiibeen kooxda Al-shabaab.

Sheekh Xasan Daahir, wuxuu kaloo sheegay inuu taageersan yahay qorshaha ay Shabaabku ku doonayaan inay kula midoobaan waxay ugu yeedheen mujaahdiinta ka dagaallamaysa dalalka Afghanistan iyo Pakistan.

Sheekh Xasan Daahir, wuxuu sheegay in dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya uu yahay mid ay ku qasban yihiin oo ay ku doonayaa inay isaga xoreynayaan wuxuu ugu yeedhay cadow dibedda ah oo doonaya inuu Somalia gumeysto, wuxuuna ugu danbeyn hoosta ka xariiqay inay dagaalka sii wadayaan tan iyo inta ay cadowgaasi ka guuleysanayaan.

XS
SM
MD
LG