Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh. Shariif oo Magacaabay Siihaye Ra'iisal-Wasaare


Sh. Shariif oo Magacaabay Siihaye Ra'iisal-Wasaare
Sh. Shariif oo Magacaabay Siihaye Ra'iisal-Wasaare

Madaxweyne Shariif ayaa Siihayaha Ra'iisal Wasaaraha u magacaabay Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (Goonjeex) ka dibna New York u amba baxay

Madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif ayaa maanta ra'iisul-wasaare KMG u magacaabay Cabdiwaaxid Cilmi Cumar “Goonjeex” oo ahaa Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka isla markaana ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeennada xukuumaddii Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Madaxweynaha ayaa magacaabistan ku dhawaaqay kadib markii maanta uu xilkaasi iska casilay ra'iisul-wasaare Sharmaarke.

Madaxweyne Sh Shariif Sh. Axmed ayaa isla maanta ka dhoofay Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada New York ee dalkan Maraykanka, halkaasoo uu kaga qaybgeli doono shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

XS
SM
MD
LG