Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Madaxweyne Shariif ayaa halkaasi galabta kulan kula yeeshay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya uu horreeyo ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi.
C/rashiid Khaliif Xaashi oo ah madaxa xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada ayaa VOA-da u sheegay in kulankaasi ay yeesheen madaxweyne Shariif iyo ra'iisal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu ku saabsanaa xiriirka labada dal iyo sidii loo sii wadi lahaa xiriirka iyo in gacan la siiyo Soomaaliya, Itoobiyana ay qeyb ka qaadato.
Cabdirashiid Khaliif wuxuu sheegay in madaxweyne Shariif uu ra'iisal wasaaraha Itoobiya xog ka siiyay halka ay hadda mareyso xaaladda Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale safaro ku tegi doona dalalka Jabuuti iyo Kenya.