Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weriye lagu Dilay Beledweyne


Idaacadda Shabelle ayaa sheegtay in niman hubeysan ay galabta Beledweyne ku dileen weriye Mahad Salad Adan (Mahad Jarmal) oo ka tirsanaa idaacadda Shabelle.

Maxamed Bashir Xaaji oo ka tirsan Idaacadda Shabelle ayaa VOA u sheegay in dabley ku hubeysan Bastoollado ay 5-tii galabnimo ee maanta toogteen ku dileen weriye Mahad Salaad.

Max'ed Bashiir wuxuu kaloo sheegay in ciidamada amniga Beledweyne ay Shabeelle u sheegeen in rasaas ay isweydaarsadeen iyaga iyo niman-ka dilka geystay, iyadoo uu dhaawacmay mid ka mid ah ciidamada amniga ka hor intii aan toogasho lagu dilin mid ka mid ah nimankii hubeysnaa.

Toogashada weriyaha ayaa ka dhacday meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Hawl-wadaag.

XS
SM
MD
LG