Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saxaafadda Puntland oo ka hadashay Go'aan cusub


Madaxtooyada Puntland
Madaxtooyada Puntland

Burhaan Axmed Daahir, Xoghayaha Saxafiyiinta Puntland ayaa sheegay inaysan dhag-jalaq u siin doonin amar ka reebaya tabinta wararka Mucaaradka

Maamulka Puntland ayaa maanta ku amray warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgasha Puntland inaysan tabin wararka ku saabsan kooxda mucaaradka ku ah maamulkaasi.

Amarkaasi waxaa si weyn u canbaareeyay ururada warbaahinta kala duwan, gaar ahaan kuwa Puntland. Xoghayaha guud ee ururka Saxafiyiinta Puntland Burhaan Axmed Daahir ayaa isagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo VOA-da u sheegay inaysan u hoggaansami doonin amarkaasi, wuxuuna sheegay in amarkaasi uu ka hor-imanayo dastuurka u yaala maamulka Puntland oo qoraya in warbaahintu ay xor u yihiin una madax banaan yihiin howsha shaqadooda iyo tabinta wararka kala duwan.

XS
SM
MD
LG