Maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa maanta deegaanka KM-13 ka afduubatay sarkaal ka tirsan hay'ada Main Action, kaasoo fadhigiisu ahaa degmada Afgooye ee gobolka Shabellada Hoose.
Dad goobjoogayaal ah ayaa VOA-da u sheegay in Siciid Macalim Bashiir indhaha iyo gacmaha laga xiray markii ay kaxeysanayeen kooxda afduubatay ee ka tirsan al-Shabaab, iyagoona ula dhaqaaqay dhinaca Carbiska.
Siciid Macalim Bashiir markii la afduubanayay waxa uu deegaanka KM-13 ku joogay booqasho hawleed. Al-Shabaab ayaa horey uga mamnuucday hay'adaha ajnabiga inay ka hawlgalaan goobaha ay ka taliso, iyadoona sidoo kale ku eedeeysay hay'adda Main Action inay lacago siiso ciidamada dowladda KMG.
Kooxda al-Shabaab waxay horey ugu eedeeysay hay'adda Mine Action inay lacag siiso ciidamada dowladda KMG.