Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakiil la dalacsiiyay


Saraakiil la dalacsiiyay

Madaxweyne Sh. Shariif ayaa maanta dalacsiiyay 87 sarkaal oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Saraakiishan la dalacsiiyay ayaa la sheegay inay dhamaysteen tababarro kala duwan oo la xidhiidha hoggaaminta ciidanka.

Madaxweyne Shariif ayaa saraakiishan la dalacsiiyay ugu baaqay inay wax ka qabtaan amni-xumada ka jirta Somalia.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia, SG Maxamed Gelle Kaahiye oo munaasabadii dalacsiinta saraakiisha ka hadlay ayaa madaxweyne Shariif uga mahadceliyay dhisidda iyo dhiirigalinta ciidanka Somalia.

Qaar ka tirsan dalalka deriska ayaa dowladda KMG ka caawiyo tababarida ciidamada kala duwan ee Somalia. Sidoo kale dalka Uganda waxaa haatan ku sugan ciidamo ka socda dowladda oo ay tababaro siinayaan saraakiil militari oo ka socda wadamada Midowga Yurub.

XS
SM
MD
LG