General Max'ed Cali Samatar, Mweynihii hore ee dowladdii Siyaad Barre ayaa beeniyay inuu qirtay dacwad lagu soo oogay oo la xiriirtay xadgudubyo dhacay wakhtigii dowladdii Siyaad Barre.
General Samatar ayaa wareysi khaas ah oo uu siiyay VOA wuxuu ku sheegay in dacwaddii loo haystay uu dalbaday in la joojiyo sababo ay ugu wacan tahay lacag la'aan la soo daristay, wuxuuna sheegay in jawaabta dacwadda laga sugayo inuu qaadigu go'aan ka gaadho.
Samatar wuxuu sheegay in dadka dacwadda ku soo oogay ay yihiin "dad lacag doon ah", wuxuuna beeniyay inuu wax danbi ah geystay xilligii lagu jiray dowladdii hore.
Wareysiga General Samatar ka dhageyso barnaamijka Martida Mikrafoonka ee idaacadda VOA ka baxa habeennimada Sabtida ee 3-da March, 2012.