Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saldhigyada Al-Shabab oo Weerar Lagu Qaaday


Maleeshiyada Al-Shabaab
Maleeshiyada Al-Shabaab

Ciidamada militariga Soomaaliya ee Jubbooyinka, ciidamada maamulka Jubbaland, AMISOM iyo ciidamo Mareykan oo iskaashanaya ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ay Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo.

Deegaanada ay weerareen ciidamada waxaa kamid ah Buulogaduud, Baarka, Iyo wirkoy, kuwaasoo masaafo dhan 30-ilaa 50KM dhanka waqooyi uga began magaalada Kismaayo.

Ciidamada isgarabsanaya ee weeraray saldhiga Al-Shabaab ee deegaanada Goasha oo watay gaadiidka dagaalka ayaa waxaa sidoo kale taageerayay diyaarado dagaal oo la arkayay iyagoo duqeynaya saldhiga Maleeshiyaada Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa VOA u xaqiijiyey in ciidamada isgarabsanaya ay iska caabin kala kulmeen Maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee ku sugnaa saldhigyada la weeraray.

Illaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka deegaanada ku yaalla waqooyiga Kismaayo.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaaliya ee Jubbooyinka ayaa sheegay in weerarkaan uu ahaa weerar qorsheysan oo ay ku burburiyeen fariisimaha kooxda Al-Shabaab ee deegaanada Gosha.

Dagaalka ayaa sababay inay burburto ama go’do buundadii deegaanada Wirkoy ee ay dadka iyo gaadiidka uga gudbi jireen Wabiga kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay qarax miino u galiyeen ciidamada isgarabsanaya oo doonayay inay ka gudbaan buundada.

XS
SM
MD
LG