Amanda Bennet, agaasimaha VOA ayaa shaley Cleveland kula kulantay Soomaalida ku dhaqan magaaladaasi.
Amanda ayaa Soomaalida ka dhageysatay waxyaabo ku saabsan noloshooda Cleveland iyo waliba sida ay u dhageystaan ama ula socdaan idaacadda VOA.
Soomaalida Cleveland ayaa agaasimaha VOA uga mahadcelisay sida ay u soo dhaweeyeen, isla markaana ay ugu tiirsan yihin dhageysiga idaacadda VOA.
Qeybta hoose ka dhageyso wareysi arrintaasi ku saabsan oo uu Jamaal Axmed Cismaan kala yeeshey C/casiis Cismaan xilli uu ku sugnaa Cleveland.