Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saameynta Abaarta ee Gobolada Dhexe


Saameynta Abaarta ee Gobolada Dhexe
Saameynta Abaarta ee Gobolada Dhexe

Saameynta abaarta ee Gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu soo waramaa ineey ka sii dareeyso

Wararka ka imaanaya Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in saameeynta Abaaraha ku dhuftay Geeska Afrika dadka iyo duunyada ay ku hayaan ay marba marka ka Dambeysa ka sii dareeyso . Waxaana la soo sheegayaa meelaha qaar Macluul iyo Dhimasho in kastoo aan Tiro sax ah la heyn.

Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo ay saameyntaasi ka jirta ayaa waxaa ka Taliya Kooxda Al-shabab hase yeeshee qeeybo ka mid ah Galguduud iyo Gobolka Mudug oo aysan Kooxda ka talin ayaa waxaan gaarin wax gurmad ah, waxaana walaac Laga muujinayaa Xaalada Bani aadnimo ee meelahaasi ka taagan

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Deegaanadaasi ayaa walaac ka muujiyay In goboladaasi aysan ku soo jeedin indha hay’adaha gargaarka iyo Beesha Caalamka Musiibana Ay ka soo socoto

Waresi VOAda ay kala yeelatay arintan Axmed diiriye oo ah afhayeenka beelaha Goboladaasi dega halkan hoose ka dhageeyso

XS
SM
MD
LG