Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saameynta Dhaqaale ee Duulimaadyada.


Waxaa haatan si kooban dib u bilaabmaya duulimaadyadii hakaday ee wadamada Yurub. Hakadkaasi ayaa saameyn ku reebay ganacsiga caalamka.

Qaar ka tirsan shirkadaha diyaaradaha ee wadamada Yurub ayaa dib haatan u bilaabaya duulimaadmadii hakadka galay muddo shan maalmood ah, kadib markii hawada sare ee qaar ka tirsan wadamada Yurub ay isku shareertay qiiq iyo ciidda wada socda oo ka dhashay volkaanadii maalintii arbacadii ee todobaadkii hore ka qaraxday wadanka Iceland.

Xayiraadda duulimaadyada ayaa waxay caalamka oo dhan ka saamaysay lix million iyo sided boqol oo kun oo qof, iyadoo garoomada diyaaradahu ay ku khasaareen boqol iyo lix iyo sodon million oo lacagta Euro-ga ah.

Dhinaca kalena, ganacsiga dalalka qaarkood ayaa xayiraadani si weyn u saamaysay. Dalka Kenya ayaa la sheegayaa inuu ku waayay ilaa 4 million oo dollar, kadib markii la joojiyay duulimaadyadii ganacsi ee dalkaasi la lahaa qaarada Yurub. Ganacsiga Kenya ee xayiraadani sida weyn u saamaysay ayaa waxaa ka mid ah; khudaarta, ubaxa iyo qaadka, kuwaasi oo maalin walba loo dhoofiyo dalalka Yurub.

Ganacsatada Soomaalida ee qaadka u dhoofiya dalalka Yurub ayaa sheegay inay khasaareen lacago fara badan.

Warbixinta saamaynta ganacsiga Kenya qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG