Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ryan Oo Loo Doortay Afhayeenka Congress-ka


Cod bixin hal dhinac ahayd, oo ay mucaaradeen xubnaha dimuqraadiga, ayaa inta badan xubnaha Jamhuuriga ee aqalka wakiilada waxa ay ku xusheen Ryan oo ah 45 jir.

Muxaafadka mayalka adag ee laga soo doorto gobolka Wisconsin Paul Ryan ayaa loo doortay inuu noqdo afhayeenka cusub ee aqalka wakiilada Mareykanka.

Cod bixin hal dhinac ahayd, oo ay mucaaradeen xubnaha dimuqraadiga, ayaa inta badan xubnaha Jamhuuriga ee aqalka wakiilada waxa ay ku xusheen Ryan oo ah 45 jir.

Ryan ayaa durbadiiba noqonaya mid ka mid xubnaha ugu awoodda badan siyaasadda Washington iyo ninka labaad ee safka beddelida madaxweynaha Mareykanka, haddii uu xilka sii hayn waayo.

Ryan ayaa beddeli doono John Boehner oo laga soo doorto Ohio, kaasi oo 25 sano kadib ka tagaya congress-ka.

“Waxaa halkan u joogaan gudashada waajibaadka aqalka dadka, fulinta howlaha shacabka iyo inaan waddanka ku jiheyno waddo wanaagsan” ayuu yiri Ryan.

Paul Ryan wuxuu bartay dhaqaalaha iyo Siyaasada Political Science, waana nin fir fircoon dadkana aad u kasbada. Wuxuu doorasho isku soo taagay tiro 8 jeer ah oo uu 7 ka mid ah u tartamay aqalka wakiilada oo uu ku guulaystay, halka uu sanadkii 2012-kiina u tartamay xilka madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo xisbiga Jamhuurigu u sharraxeen isaga oo ku xigeen u ahaa Mitt Romney.

Paul Ryan wuxuu ka tirsanaa gudiga dejinta miisaniyadda ee aqalka congress-ka oo uu markii dambena guddoomiye u noqday sanadkii 2011-ka, isaga oo ilaa hadda hayay jagadaasi.

Paul Ryan wuxuu degen yahay gobolka Wisconsin oo uu ku dhashay. Wuxuu lee yahay xaas Janna Little oo uu guursaday 2000-kii waxayna dhaleen saddex caruur ah oo la kala yidhaa Liza, Charles, and Sam.

XS
SM
MD
LG